Home » Qaar kamid ah xil. Golaha degaanka Buur-Hakaba oo la doortay.

Qaar kamid ah xil. Golaha degaanka Buur-Hakaba oo la doortay.

by Weriye Ateera

Buur-Hakaba(CKG)– Wasaaradda arimaha gudaha dowladaga hoose iyo dib u heshiisinta dowlad goboleedka KGS. Oo maalmo ka hor ku dhawaaqtay in ladhisi doono golaha degaanka degmada Buur-Hakaba, ayaa waxaa si toos ah u bilaawatay doorashada, waxaana la doortay qaar kamid ah xubnaha xildhibaanada golahaasi.

Maalmaha nagu soo aadan ayaa la dhaweystiri doonaa golaha xildhibaanada degmada Buur-Hakaba, wasaaradda arimaha gudaha dowlada hoose ee KGS ayaa sidoo kale sheegtay in doorashada xildhibaanada golaha degaanka degmada Buur-Hakaba si deg deg ah iskaga dhax dooran donaan maamulka rasmiga ah degmada Buur-Hakaba iyo qeybaha kale ee maamulka ka kooban yahay.

Si loo dar-dar galiyo wax ka qabashada xaalaha ka taagan degmada Buur-Hakaba ayaa wasaaradda u sheegtay in la helo golo degaan oo kashaqeyn doonaha arimaha degmada.

Maalmo ka hor booqashadii madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed uu ku tagay degmada Buur-Hakaba ayaa ku sheegay in degmada ay u baahan tahay in ay yeelato gole degaan oo samata bixinkara ayaa qaar kamid ah odiyaasha, siyaasiinta iyo Aqoon yahnada ka soo jeeda degmada ku sheegay in arintaasi aysan ogeen waxna lagala tashi galinin.

Intaasi kadib shir jaraa”id oo ay si wada jir ah uga qabteen magaalada Muqdisho ayaa waxay ka soo sareen qodobo badan oo arintaasi kaga soo hor jedaan maamulka KGS degmada uu ka wado af duub iyo qalalaaso ku rabo in uu ka dhax abuur dadka dega degmada Buur-Hakaba.

Qaar kamid ah doorasha xildhibaanada golaha degaanka degmada Buur-Hakaba oo dhacday ayaa kaga war sugayaa mas’uulinta kale ee ka soo jeeda degmada waxay ka soo saari doonaan arintaasi.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com