BAYDHABO(CKG)- Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sharmaarke Moxamed Kuulow ayaa si rasmi ah Ufuray Tababar muhiim ah oo loogu talagalay in lagu baro Shaqaalaha sida loo maareeyo Walaaca iyo isku-buuqa Shaqaalaha marka ay ku guda jiraan Howl Maal-meedkooda shaqo ee Goobta shaqada (stress management at Workplace).
Tababarkan ayaa ka mid ah dadaallada Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed uu ku doonayo in lagu horumariyo Aqoonta, Waaya-aragnimada iyo Waxqabadka Shaqalaha Rayidka ah, si loo hubiyo inay si hufan u gudan karaan waajibaadkooda shaqo.
Inta lagu guda jiray furitaanka tababarka, Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha Rayidka ah ay bartaan xirfadaha lagama maarmaanka u ah maareynta isku-buuqa shaqada, taasoo kaalin weyn ka qaadan karta kor u qaadidda wax soo saarka iyo dhimista dhibaatooyinka caafimaad ee la xiriira shaqada. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Guddiga Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka go’an tahay sare u qaadista aqoonta iyo tayada shaqaalaha rayidka ee KGS, si ay ugu guuleystaan hawlahooda shaqo.
Tababarkan oo socon doona muddo Labo maalin ah ayaa waxaa ka qeybgalaya shaqaale ka kala socda qaar ka mid ah hay’adaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ka qeybgalayaasha ayaa fursad u heli doona inay bartaan farsamooyin iyo xeelado kala duwan oo ay ku xakameyn karaan cadaadiska iyo culeyska shaqada, si ay uga fogaadaan in isku-buuqu uu saameyn taban ku yeesho shaqadooda iyo noloshooda guud ahaan. Tababarkan ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid wax ku ool ah oo saameyn wanaagsan ku yeesha shaqaalaha rayidka ah ee ka howlgala Koonfur Galbeed Soomaaliya.