Xudur(CKG)-ku dhawaad 210 qoys oo ka mid ah barkacyaasha ku nool degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxaa loo qeybiyay maro kaneeco daweysan, dadka ka faa’ideystay maro kaneecooyinka ayaa waxa kamid ah haweenka uurka leh iyo kuwa jil can.
haweenkaan ayaa waxay is kugu jiraan kuwo ka soo barakacay degmooyinka kale ee ka tirsan gobolka Bakool si gaar ah degmooyinka Tiyeeglow iyo Rabdhuure ayadoo qeybinta maro kaneecooyinka ku soo adeen xili ay jiraan cudurka Malariyada gobolkana ay ka da’een roobabka gu’ga.
Ururka Bakool Women ee ka dhisan degmada Xudur oo u dooda xaquuqda haweenka oo ka war haaya xaa;adaha adag ee ay ku nool yihiin haweenka degmada Xudur ayaa isku xil saaray sidii dhan weliba haweenkaan ay uga caawin lahayeen madaama ay is kugu jiraan uurey iyo kuwo jil can hadana ah barkacyaal.
Ururka Bakool Women ayaa hay’adaha ka shaqeeya degmada Xudur ugu baaqey in ay ka qeyb qataan hawinaadda haweenkaani si dhinaca kale wax looga qabto xaaladahooda nolaleed.
Codkakoonfurgalbeed.com