Home » Qaar kamid ah dadka danta yar Baydhabo oo dharka ciidda loo qeybiyay(SAWIRRO)

Qaar kamid ah dadka danta yar Baydhabo oo dharka ciidda loo qeybiyay(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Ururka Dhalinyarada Degmada Baydhabo Oo uu Horkacaayo Gudomiyaha Dhalinyarada Degmada Baydhabo Mudane Isaaq Duceysane Ayaa maanta Deeq Dhar Ciid Ah Gaarsiiyay 200 Qoys Oo Isugu Jira Naafaada, Indhooliyasha,Carruurta Agoonta,Dadka Kujira Xaruunta Dhimirka Iyo Barakacaasha.

Munaasabadda Ciid Siinta waxaa GoobJoog Ahaa Wasiiro,Xildhibaano,Odayasha Dhaqanka, Gudoomiye kuxigeenada Degmada Baydhabo masuuliyin Ka socoto Ururka suxufiyiinta,Ururada Bulshada.

Mas’uuliyiintan Ayaa Dhiiri-gelin Iyo Bogaadin Usoo jeediyey Ururka Dhalinyarada Degmada Baydhabo.
Ururka dhalinyarada degmada Baydhabo ayaa ciid kasta ka qeyb qataa ciidsiinta dadka danta yar kuwaasi oo lacagta loogu soo aruuriyo ganacsatada iyo dadka kale ee ku nool magaalada Baydhabo.

Sidoo kale dhalinyarada ayaa maalmaha ciidda Uduxiida gaarsiyaa dadkaasi ayadoona si lamid ah iska soo aruuriyaan hay’adaha iyo dadka ganacsatada ah.


Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com