Home » Qaar kamid ah beeraleyda Sh/hoose uu saameyay fatahaadka webiga.

Qaar kamid ah beeraleyda Sh/hoose uu saameyay fatahaadka webiga.

by Weriye Ateera

Wanla-weyn-Gudoomiyaha maamulka degmada Wanla-weyn ee gobolka sh/hoose mudane Cabdixakiin Cabdulaahi ayaa waxaa uu kormeer ku tagay qaar kamid ah tulootyinka hoos taga degmada ee ku fatahay webiga oo si aad ah u saameyay.

Gudoomiyaha ayaa la kulmay beeraleydii dalagooda ka qaaday biyaha iyadoona sanadadii lasoo dhaafay ay ku hayeen kuwo abaarsaday beerahooda.

Gudoomiyaha ayaa ka xaal wareystay sida u saameyay fatahaadka webiga.

“Haddaan nahay beeraleyda degmada Wanla-weyn ee gobolka sh/hoose gaar ahaan kuwa ku soo fatahamay waxay ubaahan yihiin gurmad aad u weyn, waxay ahayeen rajadeena iyo tacabkii waqtigeeda galinay.

Beeralayda oo ka waramaya xaaladdooda ayaa waxay baaq u direen dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo maamulka KGS gaar ahaan wasaaradaha Beeraha iyo gar gaarka si ay uga jawabaan fatahaankaan nagu dhigay kuwo gacmahooda maran.

Gudoomiyaha maamulka degmada Wanla-weyn ee gobolka sh/hoose mudane Cabdixakiin Cabdulaahi oo waqti fiican galiyay xaaladda dhabta ah ay ku nool yihiin madaama xil weyn ay ka saaran tahay.

Madaama dadkaani intooda badan nolashooda ay ku tiirsan tahay beeraha, gudoomiyaha oo arintaani uu ka danqaday ayaa sheegay in cabashadooda uu gaar siin doono madaxda dalka iyo wasaaradaha arimahaan quseeya.

“Waxaa lagu guda jiraa xiligii la goosan lahaa dalaga nasiib daro arintaani ayaa dhacday waana xagga alle ayay ka timid sidaasi ay tahay ka maamul ahaan waxaan ku dadaali doonaa sidaad uga kabsan lahedeen ayuu yiri”

Gudoomiyaha maamulka degmada Wanla-weyn ee gobolka sh/hoose mudane Cabdixakiin Cabdulaahi.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com