Home » Puntland oo ka jawaabtay hadalkii Xasan ee ahaa inuu la hadlayo Deni iyo A/Madoobe

Puntland oo ka jawaabtay hadalkii Xasan ee ahaa inuu la hadlayo Deni iyo A/Madoobe

by Weriye Ateera

Muqdisho (CKG) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada ee khilaafku uu kala dhaxeeyo ay ka dowlad federal ahaan kala hadlayaan tabashadood, horreyna ay ula hadleen.

madaxweynaha waxa uu rajo ka muujiyay in is mari-waaga jira uu meesha ka bixi doono, maadama sida uu sheegay mas’uuliyiintaan ay horey qayb uga ahaayen go’aanno masiiri ah oo dalka lagu hoggaamiyay.

Hadalkaan ayuu ka sheegay madaxweynuhu kulan casho ahaa oo xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya uu habeen hore ugu sameeyay magaalada Muqdisho , waxaana uu ka dalbaday kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga baarlamaanka.

Walaalaheen waa la hadleynaa, awalna waa la hadalnay waa daba joogeynaa haddii ay naga ogolaadaan inaan u tegno waan u safreynaa, haddii ay naga ogolaadaan inay noo yimaadaan waan baryeynaa inay noo yimaadaan dhib iyo colaad halkaan kasoo jirto malaha, iyagana waa dad mas’uuliyiin oo sharaf iyo karaamo leh waayey,” ayuu sii raaciyay.

Hadaba maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii uu xalay madaxweynaha jeediyay, iyagoo sheegay in tasi aysan ahayn jawaabtii ay ka sugayeen madaxweynaha.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com