Home » Puntland iyo QM oo ka wada hadlay doorashooyinka uu khilaafka ka taagan yahay

Puntland iyo QM oo ka wada hadlay doorashooyinka uu khilaafka ka taagan yahay

by Mohamed Adam Socdaal

Garoowe (CKG)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay  Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland (UNSOM)  Mr. Guy Griffin.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, qabsoomida doorashada Goleyaasha degaanka Puntland ee 25 May 2023, xoojinta wada shaqaynta Hay’adaha caalamiga ah iyo Hay’adaha kala duwan ee Puntland.

Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee Puntland ka qabatay barnaamijka geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Puntland oo meel wanaagsan maraya.

Ugu dambayntii Wasiirka ayaa sheegay inay ka go’an tahay Puntland qabsoomida doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo horumarinta hanaanka dimuqraadiyada, sidoo kale, waxa uu uga mahadceliyey Xafiiska UNSOM  xoojinta wada shaqaynta wanaagsan ee ay la la yeeihiin Puntland.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf xoogan uu ka taagan yahay doorashooyinka Golayaasha degaanka ee la filayo inay dhacdo 25-ka Bishaan, kuwaas oo ay diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka Puntland.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com