Wednesday, February 28, 2024
More

    Puntland: Go’aanno laga soo saaray Xiisadii ka taagneed Garoowe

    Garoowe (CKG) – Guddigii loo xil saaray ka soo go’aan gaarista Xiisaadii ka taaganeyd doorashada golaha deegaanka degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godob Jiraan, ayaa Xalay soo saaray go’aan rasmi ah.

    Guddigan ayaa go’aamiyay in doorashada golaha degaanka lagu qabto sida ugu dhaqsiyaha badan.

    Sidoo kale, Guddiga ayaa sheegeen in ciidamada doorashada diidan laga saaro magaalada, dibna loogu celiyo xarumahoodii, iyadoo loo saarayo guddi gaar ah.

    Guddigan ayaa sidoo kale sheegay inaan la faro galin dastuurka Puntland iyo doorashada madaxweynaha ee siddeeda Januaray 2024

    Si kastaba, gudiga doorashooyinkaa Puntland ayaa la filayaa in ay soo saaraan Jadwalka doorasho ee degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godob Jiraan.

    CodkaKoonfurGalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com