Home » Ololo Nadaafadeed oo Laga Dahfurey Baydhabo(SAWIRRO)

Ololo Nadaafadeed oo Laga Dahfurey Baydhabo(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)– Maamulka Degmada Baydhabo oo daahfurey Ololaha Nadaafadeed oo Guud ahaan laga samayn doono Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada ayaa sheegay in Waajib ay tahay ilaalinta Nadaafada iyo Bilicda Deegaanka ayna ku tahay Masuul iyo Shacab intaba.

Gudoomiyaha Degamada Baydhabo Cabdulahi Cali watiin ayaa sheegay loo baahan wada shaqeyn Buuxda oo dhexmarta Maamulka iyo Bulshada si loo ilaaliyo Fayadhowrka Deegaanka.

Waxaa u sheegay in ay Diyaarin doono Baabuur Qashinka si maalin ah uga qaadi doona Xaafadaha ay Magaaladu ka kooban tahay, kuwaas oo geyn doono Banaanka Magaalada.

Waxaa uu intaasi ku daray in Nadaafada Magaalada ay Xil ka saran tahay Dowlada Hoose ee Degmada Baydhabo gaar ahaan Waaxda Fayadhowrka iyo Bilic soo celinta Degmada, isagoona sheegay in aysan jiri doonin Baabuur shakhsi ah oo intay Lacag qaataan hadane Deegaanka wasakheeya, taasi oo sababi karta Nabaad guur iyo Wasakhowga hawada

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Gudoomiye Watiin sheegay Hadii la gaaro shirarka kale ayna isugu yimaadaan Maamulka iyo Bulshada Baydhabo lala yimaado Isbedel Guud, si looga guulayso ayuu Dhamaan faray wadashaqeyn buuxda.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com