Home » Olole lagu tallaalayo xoolaha oo ka billowday Soomaaliya(SAWIRRO)

Olole lagu tallaalayo xoolaha oo ka billowday Soomaaliya(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Muqdisho(CKG)-Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Soomaaliya oo kaashaneysa kuwa Maamul Goboleedyada dalka ayaa billawday olole lagu tallaalayo qaar ka mid ah xoolaha Soomaaliya.

Xoolaha la tallaalayo ayaa qaba xanuuno kala duwan oo ka dhashay Isbaddelka Cimilada Adduunka ee saameynta ballaaran ku yeeshay Soomaaliya.

Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha dalka soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) oo ka hadlaayay arintaani ayaa sheegey in ay iska ka shadeen wasaaradda DFS iyo kuwa maamul goboleedyada dalka, waxaana dhaqaalaha howshaani ku baxaya soomaaliya ka tageeri doonaa bandhigaga aduunka.

Wasiir Eelay ayaa yiri “ laga soo bilaawo bishii April ee sanadkaani ayaa la bilaaway in la tillaalo xoolaha kuwa kalena la daaweeyo howshana waxay u socotaa si quxur badan waxaana fulinaysaa wasaaradda xanaanada Xoolaha DFS oo kaashanaysa wasaaradaha dowlad goboleedyada ka dhisan”

Is bedelka cimilada ayaa si aad ah u sameeyay dalka soomaaliya ayaa keenay in arintaasi cuduro badan ay ka dhashataan oo sameyey xoolaha taasi oo keentay in ahmiyad fiican la siyo in laga war haayo xoolaha iyo tallaalkooda,

Codkakoonfurgalbeed.com

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com