Baydhabo(CKG)– Qaraallo si wada jir ah ay u soo wada sareen wasaaradaha Arimaha gudaha,Amniga iyo Caddaaladda KGS. Ayaa waxaa looga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Baraawe ee caasimadda dowlad goboleedka KGS, kaasi oo u dhaxeeyey ciidan katirsan Militeriga DFS iyo kuwa darawiishta KGS.
Inta la Xaqiijiyay 10 ruux ayaa ku geeriyootay daagaalkan ka dhacay degmada Baraawe tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Wasiirka Caddaaladda KGS oo aqriyad warqadda laga soo saaray isku dhacaasi ayaa sheegey in wax laga xumaado ay tahay in shacab ku jira xaalad nabad galiyo in lagu kor diraro, waxayna ku baqeen in dagaalkaasi la joojiyo.
Si lamid ah iyadoo arintaasi laga duulaayo ayaa waxaa dagaalka Baraawe si aad ah u cambaareyay odiyaasha dhaqanka KGS oo maanta shir Jaraa’id ku yeeshay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Odiyaasha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamada la rabay in shacabka KGS oo u dhibaataysan kooxda al-shabaab in ay uga daraan dil iyo calaad kale oo hor leh.
Dowlad goboleedka KGS iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Degmada Baraawe ugu baqeen in si deg deg ah xal waara looga garaan dagaalkaasi.
Gudoomiyaha Gobolka shabeelada Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa kaa tacsiyadeeyay khasaarihii ka dhashaydgaalkii ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka shaabeelaada Hoose.
Gudoomiye Maxamed Ibraahim Barre ayaa sidoo kale sheegay in ay ku guuleesteen xabad joojin ay kala dhex dhigeen labada dhinac ayna baarayaan waxaa sababay dagaalka.
Codkakoonfurgalbeed.com