Home » Odayaashii ka tagay Koonfurta Soomaaliya oo gaaray magaalada Laascaanood (SAWIRRO)

Odayaashii ka tagay Koonfurta Soomaaliya oo gaaray magaalada Laascaanood (SAWIRRO)

by CKG Editor

Laascaanood (CKG) – Odayaasha Dhaqanka Koonfurta Soomaaliya ee dhawaan ka tagay Caasimadda Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan Ciidanka Millateriga Somaliland iyo kuwa xoogagga SSC.

Odayaashan ayaa lagu soo dhaweeyay Laacaanood, waxaaan ay u kuur galeen xaaladaha guud ee Magaalada, iyagoo tagey goobaha ay isku horfadhiyaan laabda dhinac.

Sidoo kale, odayaasha Dhaqanka oo ay wehliyaan Isimadda SSC ayaa tagaya gudaha magaalada Laascaanood, iyagoo booqan doona goobaha adeegyada dadweynaha ee waxyeelada u geysatay Somaliland, lana kulmaya waxgaradka.

Somaliland ayaa la aaminsan yahay inay arrinkaan si weyn uga soo horjeedo, waxaana ay u aragtaa inay dhaawac siyaasadeed iyo fashil amniba ku noqonayso haddii ay isimaddan xal u helaan colaada Laascaanood, sida ay tilmaamayaan wararka qaar.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com