Home » Odayaasha Dhaqanka Ka Tagay Muqdisho Oo Gaaray Hargeyso (SAWIRRO)

Odayaasha Dhaqanka Ka Tagay Muqdisho Oo Gaaray Hargeyso (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Hargaysa (CKG)- Waxaa Magaalada Hargeysa Hargeysa ee degaannada Somaliland gaaray oo lagu soo dhaweeyay Odayaasha Dhaqanka ee ka tegay Magaalada Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha MagaaladaHargeysa waxaa Odayaasha Dhaqanka kusoo dhaweeyay qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Magaalada Hargeysa, waxaana la geeyay goobo gaar ah oo loo diyaariyay.

Odayaasha oo uu horkacayo Ugaas Maxamuud Caoi Ugaas ayaa waxaa ujeedka safarkooda uu yahay sidii Madaxda Somaliland ay uga hadli lahaayeen arrinta colaada Magaalada Laas-Caanood.

Dhawaan ayay Odayaasha Dhaqanka  tageen Magaalada Laas-Caanood, iyaga oo Odayaasha Dhaqanka SSC kala hadlay joojinta colaada Magaalada, balse hadda ay bilaabayaan sidii Madaxda Somaliland ay kala hadli lahaayeen.

Codkakoonfurgalbeed.com

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com