Home » Odayaasha dhaqanka ee ka tegay Muqdisho oo la kulmay shir guddoonka Golaha Guurtida Somaliland (SAWIRRO)

Odayaasha dhaqanka ee ka tegay Muqdisho oo la kulmay shir guddoonka Golaha Guurtida Somaliland (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Hargaysa (CKG)– Odayaasha dhaqanka ee waday dhexdhexaadinta dagaalka Laascaanood ee gobolka Sool kana tegay Magaalada Muqdisho ayaa manta Magaalada Hargeysa  kulan kula yeeshay shir guddoonka Golaha Guurtida.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa uga war-bixiyey hanaanka ay soo martay nabadaynta Somaliland, doorkii guurtidu ku lahayd iyo sida ay maanta uga go’an tahay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa magaaladda Laascaanood.

Odayaasha dhaqanka ee ka tegay Muqdisho ayaa kal hore tagey magaalada Laascaanood, halkaas oo ay kula soo kulmeen Garaadada SSC, six al looga gaarao arrinta Magaalada Laas-caanood.

Inta ay ku sugan yihiin Magaalada hargeysa ayaa waxaa la filayaa inay kulan la qaataan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo markii hore diidanaa balse cadaadis uga yimid Mareykanka uu ku aqbalay.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com