Home » Odayaal iyo Waxgarad Ku Shiray Degmada Bardaale Oo Dalbaday In Isbaarooyinka Sharci Darada ah laga qaado Degmada (SAWIRRO)

Odayaal iyo Waxgarad Ku Shiray Degmada Bardaale Oo Dalbaday In Isbaarooyinka Sharci Darada ah laga qaado Degmada (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Bardaale (CKG)- Degmada berdaale ee Gobolka Baay waxaa maanta ka dhacay kulan balaaran oo looga arinsanayey xal u helida qalalaasihii siyaasadeed ee mudooyin kii ugu dambeeyey ka taagnaa halkaasi.

Odayaasha dhaqanka, siyaasiinta iyo waxgaradka degmada berdaale oo maanta kulanka ka qeyb galay waxay sheegeen in habsami u socod kii howliihii maamulka degmadaasi ay qalalaaso iyo ishoristaag ku abuureen kooxo isbaheystey oo ka soo horjeeda jiritaanka dowladnimada KGS, maamul kii ay dhistey iyo nabad ku wada noolaanshiyaha bulshada berdaale.

Waxayna odayaasha ay u direen Koonfur Galbeed baaqyo ku aadan iney soo farageliso arintaan si dhibaatooyinka looga dulqaado shacab kaasi.

Mudooyin kii ugu danbeeyey degmada berdaale waxaa ka jirey khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyey maamulka degmada iyo kooxo maleeshaad ah oo isbaheystey kuwaas oo u badan kuwii dabayaaqadii sanad kii tagey ku dagaalamey magaalada baydhabo.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com