Home » NISA: ‘‘Taliyihii Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane ayaa isa soo dhiibay‘‘

NISA: ‘‘Taliyihii Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane ayaa isa soo dhiibay‘‘

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Hay’adda sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed NISA ayaa shaacisay in gacanta dowladda uu soo galay xubin sare oo ka tirsanaa Argagixisada Al-shabaab.

Ninkan ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa Al-Shabaab.

Horjoogahan sare ee lagu magacaabo Cabdiraxmaan Macalin Axmed balse Al-Shabaab dhexdooda looga yaqaano, Abuu Saacid ama Shariif ayaa xilal badan oo kala duwan ka soo qabtay Al-Shabaab.

Waxaana ka mid ahaa, qaaddiga Maxkamad beenaadka Gobolka Banaadir, qaadiga guud ee Ururka Al-Shabaab iyo Lataliyihii horjoogihii la khaarijiyay ee Axmed Godane

Sidoo kale, wuxuu soo noqday madaxii Zakawaadka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo ku-xigeenka madaxii guud ee Zakawadka Ururka Al-Shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda NISA ayaya lagu yiri, “Horjooge Cabdiraxmaan Macalin Axmed Abuu Saacid ugu dambeyntii waxa uu soo galay gacanta dowladda, waxaana uu isku soo dhiibay Hay’adda NISA‘‘.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com