Home » NISA Oo Shaacisay In Xubno Badan Oo ka Tirsan Al shabaab Lagu Dilay Gobolka Shabeelada Hoose

NISA Oo Shaacisay In Xubno Badan Oo ka Tirsan Al shabaab Lagu Dilay Gobolka Shabeelada Hoose

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)– Ciidamadda  Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA  oo kaashanaya Saaxibada Caalamigaa ah ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay inta u dhaxeeysa deegaanada Ugunji iyo Mubaarak oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 20  Xubnood oo ka Tirsan Al-shabaab oo isugu jira Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Alshabaab , waxaana lagu dhameystiray tiro intaas ka badan oo dhaawacyo ah ayaa lagu yiri Warsaxafadeed kasoo baxay Taliska NISA.

Warsafaxadeedka kasoo baxay hay’adda NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalkan lagu dilay xubnaha ka tirsan Shabaab uu dhacay habeenimadii Khamiista oo taariikhdu ahayd 20-ka bishan April, islamarkaana lagu beegsaday kooxda oo isku abaabuleysay dhulka howdka ah.

Hay’adda NISA ayaa ugu dambeyn u mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ee kala shaqeeya dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com