Muqdisho (CKG) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa Khamiista maanta ah Dekada Muqdisho ku qabtay alaabo ay ciidamada Isticmaalaan oo ay ku jiraan saanad ciidan, kuwaas oo loo waday Argagixisada Al-Shabaab.
Sirdoonka Soomaaliya ayaa si dhow ula socday Saanadda ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, ilaa iyo waddankii laga soo qaaday iyo muddadii laga shaqaynayay intuba.
Sidoo kale, NISA ayaa la socotay dhaq dhaqaaqa iyo xiriirka shabakad ballaaran oo kala joogtay dibadda, Muqdisho iyo goballada kuwaas oo ka wada shaqaynayay, soo iibinta, soo rarista, soo dejinta dekadda illaa gaarsiinta gacanta Argagixisada Al-Shabaab.
Dhammaan Shabakaddii ka shaqaynaysay arrintaan oo ka kooban in ka badan 10 qof ayaa NISA ay ku guulaysatay inay gacanta kuwada dhigto, iyadoo qofna uusan ka baxsan.
Ilaa iyo afar Gaari oo loo diyaariyay in lagu qaado qalabkaan si ay u gaarsiiyaan Ururka Al-Shabaab ayaa sidoo kale ay ku guuleysteen ciidamada amniga inay gacanta ku dhigaan.
Dhanka kale, Sirdoonka Soomaaliya wuxuu gacanta ku dhigay Alaabo u socday Argagixisada Al-Shabaab oo laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Dekadda iyo Garoonka Aadan Cadde waa labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa cadayn u ah shaqada adag ay hayaan Hay’adaha ammaanka wadanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta Sirdoonka Qaranka.
Dadka loo qabtay howlahaan waxaa ku jira Ganacsato, kuwaas oo dowladdu ay siisay ogolaasho ah inay wadanka keenaan waxyaabaha ay u baahanyihiin dadkeena, laakiin taas badalkeeda waxaa muuqata inay dalka soo galinayaan wax halis ku ah dalka iyo dadka.
DF Soomaaliya ayaa ka go’an in tallaabo adag laga qaado Danbiilayaasha Argagixisada Al-Shabaab iyo qof kasta oo ku kaalmaysa dhibaatada ay ku hayaan dadkeena, ha ahaadaan Ganacsato, mas’uuliyiin ama nuuc kasta oo ka mid ah bulshada inteeda kale.
CodkakoonfurGalbeed.com