MUQDISHO(CKG)–Waxaa shalay xuriyadiisa dib u helay Cali Cabdulle Sheekh Cali (Cali Geelle), oo dhawaan maleeshiyaad macawuusley ah oo kasoo jeeda degmada Ceeldheer kasoo afduubteen deegaan hoostaga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.
Ninkan ayaa la sheegay in uu ahaa nin beeraley ah, waxaana afduubkiisa ka dambeeyay nin ay dhul isku heesteen oo kasoo jeeday degmada Ceeldheer, kaa oo maleeshiyaad ay xigto ahaayeen u shirqoolay ninkan si ay u afduubtaan uguna sifeeyaan in uu ahaa Al Shabaab.
Warbaahinta dowladda gaar ahaan Tv-ga Qaranka ayaa lagu baahiyay in ciidamada macawuusleyda ah ay gacanta kusoo dhigeen horjooge katirsanaa kooxda Al Shabaab, waxa ayna Tv-ga sheegeen in ninkan Al Shabaab u qaabilsanaa aruurinta lacagaha baada ah.
Warkan lagu daabacay warbaahinta afka dowladda ayaana si weyn uga careesiiyay ehelada ninka afduubka loo geestay, waxa ayna dad badan shaki galiyeen sida warbaahinta dowladda u shaqeesto , iyadoona dad badan ka aamineen warbaahinta dowladda mid dano gaar ah ka shaqeeysa.
Cali Geelle oo laga soo daayay xabsiga Godka Joilacow uu dhoor maalin ku xiornaa ayaa xalay si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka Gubta ee katirsan Dayniile, waxa uuna ninkan u mahadceliyay cid kasta oo ka dhiishisay dulmigii iyo afduubkii loo geestay.
Afduubka Cali Geellle ayaana dhalisay xiisad ka dhax dhalatay beesha uu kasoo jeedo iyo beesha degta degmada Ceeldheer, kuwaa oo siyaabo kala duwan rag isaga afduubtay, hasa ahaatee dedaalo ay sameeyeen waxgarad iyo siyaasiyiin ayaana xal looga gaaray xiisadii labada dhinac u dhaxeysay.
Codkakoonfurgalbeed.com