Afgooye (CKG) – Wararka naga soo gaaraya degmada Afooye ee gobolka Shabeellaha ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya, in rag hubeysay ay halkaasi ku dileen qof shacab ah.
Dilkan ayaa lagu soo warramayaa inay geysteen rag bistoolado ku hubeysanaa, kuwaasi oo xaafadda Dhagax Tur ee degmada Afgooye ku toogtay marxuum Cabdiqaadir Cabdi Cismaan oo loo yaqaan (Jawaari), iyagoona isla markiiba goobta ka baxsaday.
Marxuum Jawaari ayaa ahaa wiil dhallinyaro oo ku nool degmada Afgooye.
Wararka aynu heleyno ayaa intaas ku sii daraya in goobta dilka uu ka dhacay ay gaareen ciidamada Nabad sugidda iyo Booliska magaalada, kuwaasi oo halkaasi ka sameeyay howl galo balaaran.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid loo soo qabtay dilkaasi ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, si rasmi ahna looma oga cidda ka dambeeysa dilka Wiilkaasi dhallinyarada ahaa.
CodkaKoonfurGalbeed.com