Wednesday, February 28, 2024
More

    Nabaddoon lagu dilay Muqdisho iyo maamulka G/Banaadir oo sheegay in…

    Muqdisho (CKG) – Nabadoon Cali Cumar Caraale ayaa koox hubeysan ku dishay goobtii ganacsiga uu ku lahaa Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, iyadoo raggii dilay goobta ka baxsadeen.

    Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in degmada Kaaraan ay tahay degmada ugu amni darrada xun degmooyinka Gobolka Banaadir, loona baahan yahay in laga hortago kuwa falalka amni darro geysta.

    Sidoo kale, gudoomiyaha degmada kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud (Abshir kaaraan) ayaa sheegay in degmada aysan heysan Ciidamo ku filan oo amniga xaqiijiya, taas bedelkeedana Ciidamadii Nabad sugida ahaa ee loo qoray ay ka shaqeeyaan degmooyin kale.

    Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa Xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ka dhacayay dilal qorseysan oo ay geysanayaan, Kooxo burcad ah oo dhac geysnayay, Al-Shabaab iyo Kooxo Ciyaal weero ah oo dhibaatada ugu daran ku haaya Shacabka.

    CodkaKoonfurGalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com