111
Baydhabo(CKG)-Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Safar Shaqo ugu Maqnaa Dalka Dibaddisa ayaa Maanta Dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay
Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Baydhabo ayaa Wafdiga Madaxweynaha uu Hogaaminayey kuso dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud.
imaanshaha Madaxweyne Lafta-gareen kadib ayaa waxaa lafilayaa in uu kulamo gaar gaar ah uu la yeesho qaar kamid ah Xilidhibaanada, Wasiirada iyo saraakiisha kala duwan si loo dar-dar galiyo amniga guud ee koonfur galbeed soomaaliya.
Codkakoonfurgalbeed.com