Home » Muxsin Qaasim Qaalib (Abwaan Jaakoole) oo heesaha iska dhaafay sababta maxay tahay?

Muxsin Qaasim Qaalib (Abwaan Jaakoole) oo heesaha iska dhaafay sababta maxay tahay?

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Muxsin Qaasim Qaalib (Abwaan Jaakoole) waxaa uu kamid yahay fanaaniinta sida weyn loogu dhax yaqaaano degaanada koonfur galbeed soomaaliya, 71 ayuu heestiisa ugu horeysay uu qaaday waana fanaan heesihiisa ugu badan ku soo qaaday Af maayga sidoo kale waxaa uu qaaday heesaha maxaaga ah.

Muxsin Qaasim waa Abwaan, heesa iyo jilaa intaasi oo dhan wuxuu kaga soo qeyb qaatay madadaalinta bulshada, gubaabada iyo xalinta xaaladihii kala duwanaa ee dalka uu soo maray.

Abwaan Jaakoole ayaa sheegey muddadaan uu fanksa ku jiray in aan jirin wax qof u qabatay kaliya markii laga reewo xiliga uu heesaayo inta sacabada u qaraacda oo kaliya.

waxaa uu leeyahay reer buuxa oo ka kooban tobon iyo kow qof wuxuuna ku biilaa wareejinta ookiyaaliyaasha taasi oo kaafisay naftiisa maanta jirin qof kale oo wax siya.

Muxsin Qaasim Qaalib (Abwaan Jaakoole) dhawaan muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada ayaa waxaa uu ku sheegey in uu joojiyay heesaha saaran music hadaba sababtu maxay tahay.

“Waxyaabaha keenay inaan fanka is kaga baxo waxay tahay da’da maanta aan joogo iyo qiimo la’aanta ka jirta fanka dhax dhiisa markii laga hadlaayo degaanada koonfur galbeed soomaaliya, aniga mudadaan aan ku jiro fanka ma jiro hal meel aan ku noolaado aan iibsado ama qof igu taageera waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha”

“hadda waxaan iibiyaa Ookiyaaliyaasha kuwaasi oo aan ka raadsado nolol maalmeedka reerkeyga madaama maanta jirin meel kale oo ay wax iska soo galaan”

Codkakoonfurgalbeed,com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com