Home » Muuse Biixi oo ka hadlay Magacaabistii Abdikarin Hussein Guled ee Ergayga Arrimaha Somaliland

Muuse Biixi oo ka hadlay Magacaabistii Abdikarin Hussein Guled ee Ergayga Arrimaha Somaliland

by Mohamed Adam Socdaal

Hargeysa (CKG)– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi ayaa mar kale ka hadlay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood e Xarunta Gobolka Sool.waxaana uu caddeeyay mowqifka Ciidankiisa ku sugan Halkaasi.

Muuse Biixi Cabdi oo ka qayb galayay kulan Afur iyo casho isugu jiray qasriga madaxtooyada ugu sameeyey culimaa’udiinta waaweyn ee reer Somaliland, ayaa sheegay in reer Somaliland ay ka midaysan yihiin in arrinta Laascaanood xabbadda la joojiyo, nabadna lagu dhammeeyo.

Aniga iyo shacabka reer Somaliland waxay ka midaysan yihiin in arrinta Laascaanood xabbadda la joojiyo, nabadna lagu dhammeeyo, mar walbana taas baannu u taagannahay” ayuu yiri Muuse Biixi.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay fariisimaha Ciidankiisu ku leeyihiin Duleedka Laascaano ayuu yiri “Somaliland iyo ciidankeeduna weerar lasoo weerarayo inay iska difaacaan mooyaane, marnaba dagaalkaas may gelin

dhinac kale Madaxweynaha Soomaaliland Muse Biixi Abdi ayaa soo dhaweeyey magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabey Ergey Gaar ah ee arrimaha Soomaaliland Abdikarin Hussein Guled.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com