Muqdisho (CKG) – Waxaa faah-faahin cusub ka soo baxaya, fal argagax leh oo Jimcihii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaddib markii Aabe iyo wiil yar uu dhalay dil iyo dhaawac loogu geystay Xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Dhacdadan ayaa lagu soo warramayaa inuu geystay Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Wararka ay heleyso Warbaahinta CodkaKoonfurGalbeed.com ayaa sheegaya, in askariga falkaasi geystay uu dhac ka gaysanayay degmada Yaaqshiid, kadibna uu halkaasi ku soo dhacay Aabaha oo markaas xambaarsanaa canuga yar, waxaana goobta ku geeriyooday Aabihii, halka uu dhaawac halis ah uu soo gaaray ilmaha yar.
Sida uu baahiyay Telefeshinka Somali Cable, mid ka mid ah ehellada oo la hadlay Telefeshinka ayaa xusay, in teleefan dartiis loo dilay Aabahaasi Soomaaliyeed, kaddib markii uu diiday inuu sheego lambar sireedka EVC-siiga.
- DFS oo soo dhowaysay tiradii ugu badneyd ee kooxda Al-Shabaab isku soo dhiibtay
- Rageh Omaar receiving care after becoming unwell on air, ITV says
- Somalia reports food diversion involving US-trained soldiers
Ehellada Aabaha la dilay ayaa sidoo kale sheegay, in la aasi doonin Meydka marxuumka illaa gacanta lagu soo dhigo askariga dilkaasi geystay oo weli baxsad ah.
Xaaladda wiilka yar ayaa la sheegay in xabadda ay ka fariisatay madaxa, isla markaana ehelladiisa loo sheegay in aan dalka waxba looga qaban karin wiilkooda.
Maamulka degmada Yaaqshiid iyo saraakiisha Amniga ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan askarigii falkaasi geystay. Iyadoona lagu wado in la maxkamadeeyo.
Waxaa Caasimadda Muqdisho ku soo kordhay muddooyinkii dambe, dhacdooyin argagax leh oo bulshada aad u samaayeeyay.