Baydhabo (CKG)- saraakiil Katirsan Ciidanka qeybta 60-aad ee Xoogga dalka ayaa ka qeyb galey Munaasabad lagu Xuseyey Sanad-guuradii 63aad ee ka soo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed 12-ka April 1960-kii oo Maanta lagu qabtey Xaruunta Taliska Qeybta 60aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed ee Magaalada Baydhabo.
dhamaan ka qeybgaliyaasha munaasabadan waxay diirada saareen muhiimada iyo aas aaska ciidanka xogga dalka iyo guulihii ay ka gareen cadowgii dalka ku soo duuli jiray.
Mohamud Mohamed Nuur Jiray oo kamid ah Saraakiisha Sarsare ee ciidanka qeybta 60-aad ee xoogga dalka oo goobta ka hadlay waxaa uu si dareen hadal ah ugu hadlay xaaladihii ay soo mareen ciidamadan tan iyo unkidooda wuxuuna xusey inay yihiin geesiyaal nasiiyada u diidey cadowgooda.
Codkakoonfurgalbeed.com