Muqdisho (CKG) – Munaasabadda Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ayaa caawa ka socota xarunta Wakaaladda Murtida iyo Wacyi-gelinta ee Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.
Munaasabad oo ah mid aad u ballaaran ayaa lagu soo bandhigayaa waxqabadkii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Xukuumadda DanQaran ayaa hadda jirsatay lix bilood, waxaana caawa masraxa Tiyaatarka Qaranka lagu soo bandhigayaa wixii u qabsoomay 6-daas bilood.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, xubnaha Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Inta ay socoto munaasabada ayaa waxa dadweynaha ka soo qeyb galaya ay su’aallo ka weydiin doonaan Xukuumadda DanQaran waxyaabihii u qabsoomay muddadii lixda bilood ee la soo dhaafay.
CodkaKoonfurGalbeed.com