Wanlaweyn(CKG)-Bur burkii kadib degmada Wanlanweyn ee gobolka Sh/hoose ee KGS ayaa waxaa laga hirgaliyay maxkamadda degmada, taasi oo in mudo ah baahideeda ay taagneed.
Cabdixakiin Cabdulaahi Maxamed gudoomiyaha degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in dhinaca sharciga iyo arimaha maxkamadeenta dambiyada wax badan iska bedeli doonaan.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in markii hore shacabka isku qawaan dacwadaha iyo atimaha waxkamadeen ay aadi jireen magaalooyinka kale ee gobolka, lakiin hadda wixii sharciyo ah ay ka heli doonaan maxkamadda degamada Wanlanweyn.
Dhismaha maxkamadda ayaa noqon doonaan kuwo u dhameystiran dhamaan adeegyadeeda, waxaana kaalan weyn ka qaadan doona maamulka iyo shacabka degmada.
Dhismaha maxkamadda degmada Wanlaweyne ayaa waxaa si aad ah usoo dhaweeyay wasiirka caddaaladda iyo garsoorka KGS, Wuxuuna tani ku tilmaamay in ay tahay in shacabka KG mar weliba diyaar ay u yihiin in mar kasta ay helaan caddaalad iyo meel garta loogu gooyo.
Wasiirka ayaa sheegay in maxkamadda loo dhameystiri doono adeegyada ay u baahantahay in shaqaalaha ka shaqeyn doono ay heli doonaan tababar ay aqòontooda kor loogu qadaayo.
Dhagax dhiga maxkamadda degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ka qeyb qaatay wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-galinta bulshada KG Cabdifitaax Cali iyo lataliyaha dhinaca warbaahinta KG ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan madaama loogu adeegi doono dhinaca sharciga bulshada degmada.
Codkakòonfurgalbeed.com