Home » Millateriga Somaliland oo ka hadlay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Laascaanood

Millateriga Somaliland oo ka hadlay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Laascaanood

by CKG Editor

Hargeysa (CKG) – Taliska Ciidamada Millateriga Somaliland ayaa ka hadlay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Laascaanood ee u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC iyo xaaladda goobihii lagu dagaalamay.

Taliyaha qaybta 12aad ee Ciidanka Somaliland Janeraal Faysal Cabdi Bootaan ayaa sheegay in shalay Ciidamadooda ay weerar ku soo qaadeen kuwa huwanta ah, balse ay tallaabo adag ka qaadeen, isaga sheegay inay heegan ugu jiraan inay is difaacaan.

Taliye Bootaan ayaa hadalkiisa waxaa uu intaasi ku daray in huwanta soo weerartay ay isugu jiraan Ciidamada Puntland, kuwo hab beeleed u abaabulan iyo Kooxo Argagaxiso ah, balse ay ka guuleysteen, isla markaana rag badan ay ka dileen gaadiidna ay ka qabsadeen.

Wuxuu kaloo sheegay, taliyaha qaybta 12aad ee Ciidanka Somaliland Janeraal Faysal Cabdi Bootaan ayaa sheegay in hadda Ciidamadooda ku sugan yihiin Taliska Gooja-cadde ayna iska difaaci doonaan cid kasta oo soo weerarta.

Ugu dambeyn, muddo ku dhow laba Bilood ayaa waxaa duleedka Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ay ku dagaalamayaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la Magac baxay SSC, waxaana dagaalladaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com