Muqdisho (CKG)– Midowga Yurub, ayaa Muqdisho uga dhawaaqay mashruuc ku kacaya 4.5 Milyan oo Yuuro.
Mashruucani ayaa looggu talagalay xasilinta deegaannada iyo degmooyinka laga saaray ururka Al-Shabaab.
Mashruucan ayaa siinaya deegaannada laga saaray Al-Shabaab dhismaha saldhigyo boolis, qodista ceelal biyoodyo iyo rakibidda layrarka cadceedda ku shaqeeya.
Sidoo kale, mashruuca waxaa qeyb ka ah qabashada kulamo dibu- heshiisiin ah, oo loo sameeyo dadka ku nool deegaannada laga saaray Al-Shabaab.
Mashruucan ayaa laga fulin doonaa maamul goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.
Waxaa kolka koowaad lagu bilaabayaa magaalooyin ay kamid yihiin Xarardheere, Ceeldheer, Maxaas, Matabaan, Teedaan, Raage-Ceele iyo Aadan Yabaal.
Codkakoonfurgalbeed.com