Home » Midowga Yurub oo Soomaaliya ka taageeraya Dagaal dhanka Fikirka ah

Midowga Yurub oo Soomaaliya ka taageeraya Dagaal dhanka Fikirka ah

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Jaamac Muqdisho ka furay kulan heerkiisu sarreeyo oo u dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub, kaas oo looga hadlayo dagaallanka fikirka xagjirka ah.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Alshabaab aan looga adkaan karin kaliya dhanka ciidanka, balse loo baahan yahay in dhinacyo badan lagala dagaalamo sida dhanka fikirka, isagoo Midowga Yurub uga mahad celiyey garab istaagga joogtada ah ee ay siiso dawladda Soomaaliyeed.

Dhankooda Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyey hawlgallada dawladdu ku kula jirto Al-shabaab isla markaana dawladda kala shaqayn doonaan la dagaalanka fikirka.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com