Home » Midowga Afrika oo ku dhawaaqay in qaar kamid ah saldhigyada ATMIS lagu wareejinayo ciidanka xoogga

Midowga Afrika oo ku dhawaaqay in qaar kamid ah saldhigyada ATMIS lagu wareejinayo ciidanka xoogga

by Weriye Ateera

Soomaaliya(CKG)– Guddi ka socday Midowga Afrika ayaa soo gebagebeeyey socdaal xaqiiqo raadin ah oo ay ku yimaadeen Soomaaliya, si ay u qiimeeyaan xaaladda amniga ka hor qorshaha dhimista ciidamada ATMIS.

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka ATMIS, ayaa shaaca ka qaaday in dhowr Saldhig oo Horudhac ah lagu wareejin doono Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed laga bilaabo June 15, 2023.

Madaxa howlgalka ATMIS wuxuu sheegay inay dhimayaan tirada ciidamadooda 2000 oo askari ah, dhamaadka bishan illaa bisha September 2023.

Dhawaan ayay ahayd, markii Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ay si rasmi u sheegtay  dhimista tirada ciidamada ATMIS ee ku sugan dalka, iyadoo xaqiijisay in dowladdu ay ka go’an tahay inay mas’uuliyadda amniga kala wareegto ATMIS.

Wasaaradda gaashaandhigga waxay sheegtay in 2000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS-ka laga saari doono Soomaaliya marka la gaaro dhamaadka bishan June 2023.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com