Home » Maxkamadda qeybta 60,aad ciidanka xoogga dalka oo baaritaano Ku bilowday raggii KG ku qabatay Degmada Berdaale.

Maxkamadda qeybta 60,aad ciidanka xoogga dalka oo baaritaano Ku bilowday raggii KG ku qabatay Degmada Berdaale.

by Weriye Ateera

Berdaalle(CKG)-Saraakiishii Ciidan ee gaaray degmada Berdaale ee gobolka baay ayaa bilaabay baaritaano kala duwan oo lagu xaqiijinaayo shaqaaqoyinkii ugu danbeeyey ee ka dhacay Degmadaasi. Dadkan lagu eedeeyey iney Isbaaro sharci daro ah u taalay gudaha degmada Berdaale halkaasi oo sida la sheegay lacago baad ah ay kaga qaadan jireen Gawaarida ukala goosha Gobolada Dalka.

Odayaasha dhaqanka, bulshada qeybeheeda kala duwan iyo Maamulka Degmada Berdaale oo goobjoog u ahaa dhacdooyinkii ka dhacay Degmadaasi ayaa la sheegay in lala sameynaayo fadhiyo kala duwan. Garsoorka ka socoda Ciidanka Xooga Dalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa bilaabay dhagaysiga Xaqiiqda dhacdooyinkii ka dhacay Degmada Berdaale ee Gobolka Baay. Mas’uuliyiintan kala duwan ayaa degmada berdaale u gaaray maxkamadaynta ragii lagu qabtay degmadaasi oo gacanta uga jira Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Waxaana ka mid ah Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Qeybta 60-aad ee ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sheikh Aadan Garsoorka Gobolka Baay iyo Xeer ilaaliyaal.

Degmada Bardaale oo xaalad adag ay ka taagneyd maalmihii laso dhaafey ayaa xiisada ka jirtay waxay sababtay iney hadalo kulul warbaahinta isku dhaafsadaan siyaasiyiin kasoo jeeda degmadaas. Dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa degmadan u dirtay wafuud kala duwan oo uu hogaaminaayo wasiirka amniga KGS iyagoo amray in la toogto Cidii lagu arko iyadoo isbaaro dhigatay.

Dhibaatooyinka soo noqnoqday ee ka taagan degmada oo ka mid ah degmooyinka gobolka bay ayaa kolkii hore ka soo bilaabatay Arimaha Maamulka Degmada taasi oo ugu danbeyntii sababtay in la kala diro Maamulkii halkaasi ka jirey.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com