Home » Maxkamadda gobolka oo raadineysa haweenay labaad oo loo haysto dambi culus

Maxkamadda gobolka oo raadineysa haweenay labaad oo loo haysto dambi culus

by Weriye Ateera

Muqdisho (CKG) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa baafineysa haweenaydii labaad oo muddo 24 saac gudahood, taasi oo loo haysto kiis xasaasi ah.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Caasho Macallin Mursal Cali ayey xeer ilaalinta kusoo eedeysay dambiyo culus oo qeyb ka yihiin lacag dhaqid iyo maalgalinta argagixisada, xilli uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

“Maxkamaddu waxay baafineysaa kuna wargalinaysaa eedeysane Caasho Macallin Mursal oo ay dacwad ciqaab ah oo uu dhinac ka yahay ka furan tahay maxkamadda gobolka, uuna kusoo eedeeyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud sharciga ka hortagga lacag dhaqista iyo maalgelinta argagixisada.”

Caasho ayaa sidoo kale waxaa eedeymaha loo haysto kamid ah “dambi kamid noqosho urur hubaysan oo kasoo horjeeda qarannimada Soomaaliya,” waxaana loo qabtay in muddo soddan maalmood gudahooda ah ay ku hortimaado maxkamadda gobolka.

“Maxkamadda gobolka Banaadir muddo (30) maalmood gudahood ayey fareysaa inay ku hor imaato oo ku eg 07/09/2024 oo ah maalinta Sabti ah, saacaduna tahay: (10:00Am) Subaxnimo, si ay iskaga difaacdo eedda uu kusoo eedeeyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.”

Codkakoonfurgalbeed.con

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com