Home » Maxkamadda Gobolka Baay oo dil toogasho ah ku fulisay laba rag oo horey dil u geystay

Maxkamadda Gobolka Baay oo dil toogasho ah ku fulisay laba rag oo horey dil u geystay

by CKG Editor

Baydhabo (CKG) – Maxkamadda gobolka Baay ayaa subaxa Khamiista maanta ah dil toogasho ah ku fulisay labo nin.

Labadan nin ee dilka lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabaa Aadam Cali Cabdi oo horey u dilay Marxuum Macalin Daahir Cabdullahi Mukhtar iyo Maxamed Geedow Nuurow oo isna dilay Marxuum Jamaal Abdikariin Maadey.

Dilkan qisaasta ah ayaa waxa uu saaka ka dhacay fagaaraha toogashada Magaalada Baydhabo.

Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa goobjoog ka ahaa fagaaraha xukunka dilka ka dhacayay.

Sidoo kale, waxaa goobjoog ahaa ehellada dadkii ay dileen ragan saakay la toogtay.

CodkakoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com