Home » Maxkamadda ciidanka qalabka sida qeybta 60,aa doo u fadhiisatay rag loo heysto dhac.

Maxkamadda ciidanka qalabka sida qeybta 60,aa doo u fadhiisatay rag loo heysto dhac.

by Weriye Ateera

Berdaalle(CKG)-Maxkamadda derejada koowaad ciidanka qalabka sida qeybta 60,aad ayaa u fadhiisatay dhageysiga maxkamadeed rag loo heysto in ay degmada Berdaalle gobolka Baay ay ka geysteen dhac, dhigasho isbaarooyin iyo qalalaaso ka dhan ah amniga guud ee degmada Berdaalle iyo degaanada kale ee ka tirsan.

Maxkamadda ayaa la horkeenay marqaatiyaal kala duwan oo wax laga weydinaayay falalka loo heysto raga loo heysto falalkii dhawaanahaan ka taagnayeen degmada Berdaalle.

Dhageysiga maxkamadda ayaa waxaa goobjoob ahaa saraakiil iyo xeer ilaalinta maxkamadda ciidanka qalabka sida, maamulka degmada, odiyaasha iyo qaar kamid ah shacabka degmada Berdaalle.

Maxkamadda ayaa mid mid u dhageysatay ragga loo heysto dhac, dhigasho isbaarooyin iyo qalalaaso ka dhan ah amniga guud ee degmada Berdaalle ayagoona xeer ilaalinta soo bandhigtay hubkii kala duwanaa ee dhaca looga geysanaayay bulshada ku safarta wadooyinka dhaxmaraan degmada Berdaale.

Dhageysiga koowaad ee maxkamadda ayaa waxaa soo xiray guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida qeybta 60,aa G/sare Aadan Abuukar Maxamed, wuxuuna sheegay in go’aan ay soo gaari doonto maxkamadda.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com