Home » Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 60,aad oo u fadhiisatey dhagaysiga dacwad loo heysto 15 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 60,aad oo u fadhiisatey dhagaysiga dacwad loo heysto 15 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 60,aad ayaa waxay u fadhiisatay dhageysiga eedo dacwad loo heysti 15 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Shan iyo tobonkaan xubnood ee la horkeenay maxkamadda ayaa waxaa loo heystaa kamid ahaan shaha kooxda Al-shabaab, waxayna ka soo shaqeyeen qeybaha kala ah amniyaadka, Jabhadaha iyo aruurinta lacagaha baadka ah taasi oo laga soo aruuriyo shacabka soomaaliyeed aan waxba heysanin.

Dhamaan eedeysiniyaashaan ayaa hay’adda iyo nabad sugidda iyo sirdoonka koonfur galbeed soomaaliya ayaa ka canta ku soo dhigtay howlgalo ay ka sameyeen magaalada Baydhabo iyo degaanada hoostaga kadib markii xogo iyo baaritaano rasmi ah ay sameyeen.

Baariyaasha Nabad sugidda ayaa maxkamadda ku soo bandhigeen baaritaanadii ay sameyeen iyo dambiyadii lagu helay eedeysaniyaashaan,

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 60,aad ayaa eedeysaniyaashaan ku soo eedeysay kamid ahaanshaha kooxda Al-shabaab ayadoona maxkamadda ay horkeeneen cadeymooyin laga qoray.

Guddoomiyaha maxkamadda derejada koowaad ciidamada qalabka sida qeybta 60,aad G/sare Aadan Abuukar ayaa fadhigga maxkamadda soo xiray asigoona sheegay in go’aano ay ka soo saari doonto maxkamadda.
Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com