Home » Maxay muhiim ugu tahay in degmada Buur-Hakaba ay hesho garoon diyaaradeed?

Maxay muhiim ugu tahay in degmada Buur-Hakaba ay hesho garoon diyaaradeed?

by Weriye Ateera

Buur-Hakab(CKG)- Degmada Buur-Hakab ee gobolka Baay, waxay kamid tahay degmooyinka ay adag tahay in wadooyinkeeda lagu socdaalo oo wax lagu qaarsiyo.

Magaalada Baydhabo qiyaastii waxey isu jiraan 60KM, safarka wadadaasi lagu waraayo ayaa ah mid adag oo waxaa lagala kulmaa dagaal aad la gashid kooxda al-shabaab side horey u dhaceen.

Gar-gaarka iyo wax yaabaha muhiimka ah ee looga haaban yahay degmada waxaa lagu geyaa diyaaradaha xamuulka qaada, taasi oo mararka qaar heliddeeda ay qaadato maalmo.

Degmada Buur-Hakaba waxaa safar shaqo ku jooga wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka KG, Xidhibaanad Bishaaro oo ka tirsan Baarlamaan KGS oo degaan doorashadeeda ay tahay Buur-Hakab iyo mas’uulin ka tirsan wasaaraha KGS.

Mas’uulintaan ayaa waxay kormeer ku sameyeen goobaha loogu adeego bulshada iyo goobaha degmada ay ka joogaan ciidan xoogga dalka iyo kuwa maamulka KGS.

Goobaha kormeerka lagu sameeyay ayaa waxaa kamid Iskuulada, Isbitaalada, Saldhigyada iyo dhuul weyn oo loo qorsheeyay in laga dhigo garoonka diyaaraha degmada Buur-Gakaba, kaasi oo u dhow yahay taliska ATMIS ee ku loo dahay degmadaasi.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada KGS, Eng. Cabdifitaax Isaaq Maxamed ayaa sheegay in ay adag tahay sidii degmada Buur-Hakaba wax lagu gaarsiin lahaa, markuu qimeyay xaaladaha adag ay ka jiraan, wadooyinka aan la soo marin karin iyo garoon la’aanta degmada.

Wasiir Cabdifitaax Isaaq ayaa sheegay gar gaar hesha degmada in ay ku xiran tahay in la dhiso garòonka diyaaraha degmada, iyadoo weli heystaan dhuul weyn oo ku haboon ku soo degista diyaaraha, oo welina ku dhaxyaalo xarada ciidanka ATMIS.

Si loo horumariyo degmada Buur-Hakaba, wasiir Cabdifitaax Isaaq iyo xildhibaanad Bishaaro Cali waxay ku baqeen in dhismaha garoonka ay ka wada qeyb qataan mas’uul iyo shacab kasta oo ka soo jeeda KGS gaar ahaan degmada Buur-Hakaba, iyadoo hadda diyaar ay yihiin bulshada ku nool degmada kuwooda ka qeyb qaadan karaan.

Sidoo kale madaxweynaha KGS Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo hay’adaha ka tageera arimaha horumarinta KG i n ay kaalin weyn ka qaadan doonaan dhismaha garoonka diyaaraha degmada Buur-Hakaba.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com