Home » Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni?

Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni?

by CKG Editor

Kampala (CKG) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga Madaxtooyada Uganda kula kulmay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay dagaalka dowlada Soomaaliya ay kula jirto Ururka Al-Shabaab iyo qorsheyaasha ku qotoma shirka Waddamada Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee TCC (Troop contributing countries) oo dhawaan ka qabsoomi doona magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha wax ku oolka ah ay ka gaartay la dagaalllanka Argagixisada Al-Shabaab oo hadda galay waji labaad, isagoo xusay in dowladdiisa ay kaalin weyn ka qaadan doonto dagaallada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab si dalkeenna hormuud ugu noqdo isbedelka hurumarineed ee gobolka iyo guud ahaan qaradda Afrika.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com