Home » Maxay kala yihiin Maxkamadaha Madani iyo Ciqaab?

Maxay kala yihiin Maxkamadaha Madani iyo Ciqaab?

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Markii laga hadlaayo maxkamadda Racfaanka waa qeyb kamid ah qeybaha garsoorka ee loogu adeego bulshada taasi oo loogu soo gudbo markii maxkamadda derejada koowaad ay soo xugmiso dacwad mar labaad qofkaasi sheegtay in uu ku doodo in uusan ku qanacsaneen xukunkaasi.

Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Baay Dr. Xasan Maxamed Cali oo sharxaad ka bixinaayay bahda caddaaladda ayaa waxaa uu sheegay in qeybta ugu weyn ay tahay mid ay jirto qeynta madaxweynaha madaama uu bulshadaasi uu u yahay hogaamiyahooda taasi oo wixii ka soo hara uu madaxweynaha u xilsaraayo wasaaradda caddaaladda guddoomiyaha maxkamadda maamulka guud KG, kan gobolka kan degmada kadib midka racfaanka.

Qaabka ay u shaqeyaan bahda caddaaladda waxaa ugu horeyaa oo ka soo bilawataa Ciidamada Booliska oo soo qabta labada meel ee ka dhaxeyso dacwadda waxaa ku soo xiga ama soo labeeya qeybta maxkamadaha ilaa ay garta ka goynayaanna ay yihiin kuwo u dhaxeeya labada dhinac.

Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Baay Dr. Xasan Maxamed Cali ayaa sheegay in dacwadaha ay kala yihiin labo kuwaasi oo u kala baxaan dacwad madani ah iyo mid ciqaab ah ayadoona ay kala yihiin kuwo kala duwan habka loo qadaayo, dhageysiga iyo baaristoodaba.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Baay Dr. Xasan Maxamed Cali ayaa wuxuu bulshada ugu baaqay in ay dacwadahooda ay u aadsadaan maxkamadaha si ay u helaan caddaalad rasmi ah taasi oo aan jirin ama jiri doonin in ay hal meel ay xigsato.

Codkakoonfurgalbeed.com

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com