Baraawe (CKG)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Isniinta maanta ah si-weyn loogu soo dhoweyey Magaalada Baraawe ee Caasimada Koonfur Galbeed.
Wafdiga Madaxweyne Laftagareen waxaa garoonka diyaaradaha Baraawe ku soo dhaweeyay, guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Maamulka Caasimada Baraawe iyo Qeybaha kala duwan Baraawe.
Ujeedka Safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ayaa ku saleysan, qaban qaabinta doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, maadaama guddoomiyahoodii Cali Saciid Fiqi uu kamid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.
Inta uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku sugan yahay magaalada Baraawe wuxuu kulamo la qaadan doonaan, maamulka degmada, Saraakiisha ciidanka ATMIS iyo kuwa Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka.
CodkaKoonfurGalbeed.com