Home » Maxaadan Ogeyn Oo Muqdisho Ka Socda Maanta (SAWIRRO)

Maxaadan Ogeyn Oo Muqdisho Ka Socda Maanta (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore oo looga hadlayo isku dubaridka howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

U jeedka kulanka ayaa ah in qorshe mideysan lagu bilaabo wajiga labaad ee howlgalka dib u xoreynta dalka, kaas oo ay ka qeybgali doonaan ciidamada dalalka dariska.

Shirkaan oo sadex maalin socon doona ayaa waxaa furey, Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, iyadoo ay ka qeybgaleen wasiirada, arrimaha gudaha, cadaaladda, wasiiru dowlaha amniga gudaha iyo Taliyeyaasha xoogga iyo Booliiska.

Sidoo kale waxaa ka qeyb galaya wasiirada amniga dowladda goboleedyada oo lagu casuumay, Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xasilinta Maxamed Cabdi Waare.

CodkaKoonfurgalbeed.Com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com