Berdaale(CKG)-Si loo dar-dargaliyo howlaga ay ubaahan yihiin shacabka ku nool degmada Berdaale ayaa shirkii ugu dambeeyay golaha degaanka Degmada Berdaale ayaa maamulka ku xigeenadii maamulka ugu baqeen in wax laga qabto arimaha bulshada Degmada.
Cabdi Sheekh Maxamed gudoomiyaha cusub ee maamulka Degmada ayaa u sheegay maamulkiisa in xiligaani loo baahan yahay in xooga la saaro isbitaalada, iskuulada iyo goobaha kale ee loogu adeego bulshada si isbedel loo muujiyo.
Dhowrkii maamul ee soo marey degmada Berdaale sidii la rabay uguma adeegi shacabka degmada, iyadoona hoos ay u dhaceen dhamaan wax yabihii lagu horumarin lahaa bulshada.
Cabdi Sheekh Maxamed gudoonka cusub ee degmada arimaha degmada kahadlaayay ayaa balan qaaday in 6 bilood ee ugu horeyso maamulkiisa wax uu ka qaban doono xaaladaha degmada.
Golaha degaanka ee degmada Berdaale ayaa tiro ka dhowr jeer ah ayaa iskugu dhaceen maamuladii soo marey degmada, iyadoona dhamaan xililka kaga qadeen si gacantaag ah, waxeyna ku sheegeen in ay ka soo bixi wayeen waajibaadkii la saaray.
Weli waxaa degmada ka taagan xaalado bini’aadinimo, mana jiraan wax ay iskaga bedelay ganacsiga, dhismooyinka waddooyinka, caafimaadka iyo goobaha kale ee bulshada.
Codkakoonfurgalbeed.com