Home » Maxaa ku soo kordhay xaaladda Boosaaso?

Maxaa ku soo kordhay xaaladda Boosaaso?

by Weriye Ateera

Boosaaso (CKG) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay xaalad kacsanaan ah laga dareemay magaaladaasi oo ay indhowanahayaan isku hayaan ciidamada PSF iy sidoo kale hoggaanka sare ee Puntland.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland ayaa xalay lagu arkay bartamaha magaalada, kuwaas oo la soo dhoobay waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaq culus oo dadka deegaanka ku beeray cabsi dagaal.

Taliska qaynta booliska gobolka Bari oo war soo saaray ayaa sheegay in ciidamada ay ku jiraan kaliya howlahooda shaqo, isla markaana aysan jirin wax dhibaato.

Sidoo kale taliska ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin wax xiisad ah oo ka taagan Boosaaso islamarkaana ay xaaladda nabad-gelyada tahay mid deggan.

“Ma jirto wax xiisad ah oo ka taagan Magaalada Boosaaso, ciidanka Amniga ee kala duwani waxay ku jiraan shaqadoodii caadiga ahayd ee sugidda Amniga sida Roondada iyo baaritaanka caadiga ah ee amaanka ku saabsan.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com