Wednesday, February 28, 2024
More

    Maxaa ka soo baxay shirka Madaxda Wasaaradda Amniga iyo Taliska Ciidanka Booliska?

    Muqdisho (CKG) – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane, Maxamed Cali Xagaa, Wasiir-Dowlaha Wasaraadda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, Xafiiska Amniga Qaranka iyo Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed, ayaa Isniinta maanta ah Ciidanka   Booliska kula shiray Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

    Shirka ayaa ujeeddadiisu aheyd dardargelinta Qorshaha Xasilinta, Dib u habeynta Ciidanka Booliska iyo Dhismaha Xarumaha Ciidanka Booliska ee dhawaan la xoreeyay.

    Intii uu shirku socday, ayaa warbixin looga dhagestay farsamo yaqaannada Booliska, Xafiiska Amniga Qaran iyo Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed si loo horumariyo loona casriyeeyo adeegga dadweynaha ee Ciidanka Booliska siiyo Ummadda guud ahaan Dalka oo dhan.

    Si kastaba, Jaangoynta baahiyaha, Caqabadaha iyo Xalkooda ayaa lagu soo gabagabeeyay kulanka, iyada oo kulamadu sii socon doonaa si adeeg hufan waqtiga ugu dhaqsiyaha badan dadka loo gaarsiiyo.

    CodkakoonfurGalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com