Muqdisho (CKG)- Waxaa Maanta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dhaqan galay Go’aankii laba bil kahor kasoo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ee ahaa in Mootooyinka Bajaajta loo sameeyo sumad gaar ah oo ah (A iyo B), si loo yareeyo saxmada waddooyinka.
Mootooyinka Bajaajta ee lagu kala buufiyay sumada (A iyo B) ayaa kala shaqeynaya laba maalin, waxaana shalay oo Arbaco aheyd soo dhammaatay sumadeynta iyo Buufinta mootooyinka, sida uu sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Dheere.
Maanta oo khamiis ah ayaa waxaa waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho iyo meelaha ku dhow ka shaqeyneysa Mooto Bajaajta ay ku buufsan tahay A, mana jirto Mooto ay ku qoran B oo la arkayo, waxaana sidaas ku dhaqan galay Amarka lasoo saaray.
CodkaKoonfurgalbeed.com