Home » Maxaa ka cusub qaraxyadii degmada Baardheere?

Maxaa ka cusub qaraxyadii degmada Baardheere?

by Weriye Ateera

Baardheer(CKG)-Wararka naga soo gaaraya saaka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid degan qeybo kamid ah magaalada ay tahay mid furan.

Qaraxyadii shalay ka dhaceen degmada Baardheere ayaa laxaqiijiyay in ay ku dhinteen ku dhawaad 7 qof oo labo kamid ah ay yihiin dad shacab ah.

Sida ay sheegayaan dadka degaanka ee degmada Baardheere dadkii ku dhawacmay qaraxyada ee la geeyay isbitaalka weyn ee degmada aysan helin adeegyo ku filan, iyadoo kuwa kalena lageeyay isbitaalada sida gaar ah loo leeyahay.

Dadka dhaawaca ah kuwooda halista ah ee wax looga qaban karin degmada Baardheere ayaa la filayaa jn maamulka degmada ay u qaadi doonaan magaalada Muqdisho si ay u helaan adeegyo caafimaad.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com