Home » Masuuliyiin Katirsan Wasaaradda Waxbarashada K/Galbeed Oo Ka Qeybgalay Xaflad Abaalmarin Oo Ardeyda U Sameeyey Iskuulka Mustaqbal (SAWIIRO)

Masuuliyiin Katirsan Wasaaradda Waxbarashada K/Galbeed Oo Ka Qeybgalay Xaflad Abaalmarin Oo Ardeyda U Sameeyey Iskuulka Mustaqbal (SAWIIRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Baydhabo (CKG)- Xafladan oo iskugu jirtay labo Abaalmarineed ayaa loo qabtay Ardeyda Qur’aanka Kariimka iyo Ardeyda Fasalada 5-aad iyo 6-aad ee Iskuulka dadka baahiyaha gaarka qaba ee Mustaqbal.

Xafladan oo ay ka qeybgaleen Agaasime waaxyaha Wasaaradaha Waxbarashada iyo Diinta iyo Awqaafta Koonfur Galbeed ayaa waxaa halkaasi hadal micno weyn ku fadhiya goobta ka jeedisay Maamulaha Iskuulka Mustaqbal Marwo Xabiiba Ibraahin Adan waxayna sheegtay dadaalada ay ku bixinayaan soo saarista ardey waxbadan fahansan.

Mustaqbal Iskuul waxaa dhigta ardey naafo ay iyo kuwo rabi u dhameystiray lixaadkooda waana iskuul ka duwan iskuulada Baydhabo wuxuuna ku yaala goob istiraatiji u ah dadka soo barakacay.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com