Muqdisho (CKG)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Koonfur Galbeed Mudane Dini Abdinur Mohamed iyo Isuduwaha Wasaaradda Gargaarka ee Gobolka Shabeelada Hoose Mudane Mohamed Yusuf Mohamed ayaa la kulmay Hay’adda Qadar Charity Xafiiskeeda Magaalada Mogadisho.
Kulanka Agaasimaha Iyo Isuduwaha Wasaaradda Gargaarka ay la qateen Masuuliyiinta Hay’adda Qatar Charity ayaa loogu hadlay sidii Hay’adda Qadar Charity Gargaarka Bani’aadanimo u gaarsiin lahayd dadka ay Abaarta soo barakicisay ee ku dhaqan Deegaanada Koonfur Galbees gaar ahaan kuwa ka Barakacay Gobolka Shabeelada Hoose.
Waxayna uga mahadceliyeen Hay’adda Qadar Charity Gargaarka ay mar walba gaarsiiso dadka ku dhaqan Koonfur Galbeed ee ay abaartu barakicisay, waxayna ka codsadeen in ay laba laabaan kaalmada ay bixiyaan maadaama lagu jiro Bishii Barkaysneed ee Ramadaanka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka Mudane Diini ayaa ku dheeraadey Xaalada ay ku sugan yihiin dadka barakacyaasha oo hada ay u sii dheer tahay saameyntii Roobka oo xiligan bilow ah iyo in dadka ay aad ugu baahan yihiin cunto maadaama lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
CodkaKoonfurGalbeed.Com