Home » Masuuliyiin Katirsan Koonfur Galbeed oo Kulan la qaatay Hay’addaha Ka shaqeeya Barnaamijka Xasilinta (SAWIRRO)

Masuuliyiin Katirsan Koonfur Galbeed oo Kulan la qaatay Hay’addaha Ka shaqeeya Barnaamijka Xasilinta (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Baydhabo- (CKG)- Shirkan oo ku saabsan isku xirka Hay’adaha dowliga dhinca xasilinta iyo Hay’daha ka shaqeeya ayaa maanta ka dhacey xarunta wasaaradda Maaliyada ee dowlada Koonfur Galbeed.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS Mudane Mustaf Abdullaahi Hassan (Mustaf Adaf) ayaa shir guddoomiyey kulankan Muhimada shirka ayaa ahaa dhisida guddiga Stabilization task force loo yaqano oo ay ku mideysan yihin todobo wasaradood oo ka wada shaqeyn doono deegaanada laga xoreeyn doono Al shabaab.

Dhamaan masuuliyiintii ka qeybgashay shirkan waxay diiradda saareen Muhiimada ay leedahay Stabilization Tast Force xiligan oo dowlada koonfur Galbeed ay wado dadaalo lala kaashanayo Hay’adaha khuseeya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed Mudane Fadal Abdullahi Mursal ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay muhiim u tahay barnaamijka Xasilinta, fursadna siinaya jiilka ku sugan deegaanada aan waxbarashada aas aasiga ah gaarin.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com